2310 Views

Taliska ciidanka Gor Gor Sh.dhexe oo shaaciyay ku dhawaad 100 Al-shabaab ah ay k dileen

Taliska ciidanka Gor Gor Sh.dhexe oo shaaciyay ku dhawaad 100 Al-shabaab ah ay k dileen
____________________________________________________________________________

June 4 2021

Dagaal aad u qaraar oo shalay ka dhacay Duleedka magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, waxaana guulo ka sheegtay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida.

Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa  sheegay  in dagaalkii shakay  ka dhacay Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan degaanka War-ciise iyo Warta Jillaabe ay ku dileen ku dhawaad 100 dagaalamayaasha Alshabaab ah.

Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Col. Cali Xaashi ayaa sheegay inay ku dileen dagaalka in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay guullo ka gaareen dagaalka.

Sidoo kale dagaalkii shalay ayaa alshabaab waxaa looga Gubay gadiidka dagaalna waxaana la sheegay in Ciidamada Gor Gor ay ka qabsaden Alshabaab gaadiid dagaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post