870 Views

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Gobolka Shabeelaha Hoose
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ayaa howgal qosheysan ku  burburiyay fariisimo  ay argagixisada  ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa ah mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen fariisimo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen fariimada, isla markaana ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ayaa si aad ah u soo dhaweeyay sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen dhagarqabayaasha dhibaatada ku heysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post