1425 Views

Ciidamo Maraykan ah oo saldhig ka sameystay Magaalada Wajeer

Ciidamo Maraykan ah oo saldhig ka sameystay Magaalada Wajeer
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Ciidamo Maraykan ah oo si gaarka ah u tababaraan ayaa saldhig ka sameystay Magaalada Wajeer halkaasi oo ay ka qaadi doonaan Howlgalada dhinaca cirka ah iyo jawaabaha deg dega ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab waxaana ay gacan siin doonaan Ciidamada Kenya ee dhankooda dagaal kula jira Al-shabab.

Tani waxa ay imaanaysaa iyadoo ay jirto in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu kuwargeliyay Kongareska wadankaasi in uu qorsheeyay ciidamo Mareykan ah oo lageeyo Kenya si ay uga gacansiiyaan dagaalka Al-shabaab.

Ciidamadan saldhigga kasameystay Wajeer ayaan la ogeyn inay si toos ah ay kala xiriiri doonan howlgalada gaar ah ay doonayaan in Somalia ay ka fuliyaan marka loo eego Taliska Africom oo ilaa hadda aan wax war ah kasoo saarin ciidamadaasi Mareykanka ah ee tagay Kenya.

Sarkaal la socdey ciidamadan ayaa sheegay in Wajeer ay u dorteen inay tahay mid leh garoon caalami ah oo ay ka sameyn karaan Jawaabadaha deg dega ah ee weerarada Al-shabab ay Kenya ku qaadaan iyo fulinta howlgalo ka dhan ah saldhigyadooda Koofurta Somalia.

Bishaan horraanteedi Biden ayaa ogolaaday in ciidamadan sida gaarka u tababaran ay iskaashi lasameyn donan ciidamada Kenya si loo xoojiyo Dagaalka kooxaha argagexisada sida Al-shabaab iyo Daacish.

Saldhiggan ay ciidamada Mareykanka kasameyteen Wajeer waa kii labaad marka laga soo tago saldhigoodii SIMBA ee Manda Bay ee magaalada Lamu.

Jimcihii lasoo dhaafay meel fagaare ah Gudoomiyaha Gobolka waqooyi bari Kenya waxa uu shacabka u sheegay in ciidamo Mareykan ah ay kusoo wajahan yihiin Kenya kuwaasi uu tilmaamay inay wax kala qaadi doonaan culeyska dhinaca amaanka ka haysta ee dagaalka Al-shabaab ay kula jiraa.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr mar waxa ay weeraro ka geysteen magaalooyin ku yaala dalkaasi Kenya sidoo kale ciidamada amaanka Kenya ayaa howlgalo ku dilay xubno k a tirsan AL-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post