381 Views

Wasaaradda Beeraha XFS Oo Shan Kun Dollar Ku Wareejisay Guddoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka Qaranka

Wasaaradda Beeraha XFS Oo Shan Kun Dollar Ku Wareejisay Guddoomiyaha Hay’adda Musiibooyinka Qaranka
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Wasaradda Beeraha iyo Waraabka JFS oo uu hogaaminaayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda mudane Asad Cabdirizaq Maxamed ayaa soo gaaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka.

Wasiiru Dowlaha Wasaardda Mudane  Asad Cabdirizaaq Maxamed  oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda marwo Sahro Yuusuf Cigge, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Prof. Maxamuud Maxamed  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ayaa ku wareejiyey Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka lacag dhan Shan-kun oo Dollar ($5,000), Raashin iyo khudaar u dhiganta Afar-kun oo Dollar ($4,000) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Mocalim Cabdulle oo loogu talagalay Shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay musiibada qaraxii Soobe2 ee 29-kii October, 2022.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS oo kaalin weyn ka geesatay Gurmadka socdo ee loogu talagay in lagu caawiyo Dadkii ku dhibaatoobay Musiibadii Soobe2.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post