909 Views

Wadahadallo Azerbaijan iyo Armenia kaga bilowday Moscow

Wadahadallo Azerbaijan iyo Armenia kaga bilowday Moscow
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 10 |  2020
—Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa wali isku horfadhiya gudaha iyo hareeraha Magaalada uu muranku ka taaganyahay ee Karabakh, Waxaana  wadahadalada kasocda Moscow ay sare uqaadayaan rajada ah in lasoo afjaro dagaalada ugu dhimashada badnaa ee Koonfurta Caucasus in kabadan 25 sano.

Diblumaasiyiinta ugu sareysa Azerbaijan iyo Armenia ayaa ku shiraya magaalada Moscow iyadoo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka la haysto ee Karabakh uu galay maalintii 14-aad.

Labada dhinac ayaa bilaabay wadahadaladoodii ugu horreeyay ee heer sare ah, iyadoo rajo laga qabo in xabad-joojinta la dhexdhexaadiyo lagu dhawaaqo.

Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Ruushka Maria Zakharova ayaa  barteeda Facebook soo dhigtay sawirka diblomaasiyiinta Russia, Armenia iyo Azerbaijan oo fadhiya miis wareegsan ee Moscow.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu casuumaad u fidiyay wasiirada arrimaha dibada ee Armenia iyo Azerbaijan, isagoo ku booriyay in la joojiyo dagaalka Nagorno-Karabakh, sababo bini’aadanimo awgood.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post