1605 Views

Col Saneey Cabdulle oo ku dhaawacmay Weerarkii Saldhiga degaanka Biya-cadde saakay

Col Saneey Cabdulle   oo ku dhaawacmay Weerarkii Saldhiga  degaanka Biya-cadde saakay
____________________________________________________________________________

June 18, 2021

Wararka ka imaanaya degaanka Biya-cadde, oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya, in qarax xooggan lagu weeraray saldhig Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin degaankaas.

Khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa ka dhashay weerarka, oo loo adeegsaday gaari weyn oo qaraxyo laga buuxiyay.

Col. Saneey Cabdulle oo kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii mudda-kororsiga diiday, ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Sidoo kale, weerarka waxa ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidanka Milatariga, halka qaar kalena ku dhaawacmeen.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sida lagu qoray warbaahinta taageerta ururkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post