1029 Views

Deni oo ka hadlay kiiska Wariye Kilwa sheegayna in la Maxkamadeeynayo

Deni oo ka hadlay kiiska Wariye Kilwa sheegayna in la Maxkamadeeynayo
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeeysay waxaa uu ka hadlay kiiska Wariye Kilwe Aaden Faarax oo muddo laba bilood ah u xiran lamaha Amniga Puntland.

Deni oo shir ka furay magaalada garoowe ayaa sheegay in Wariye Kilwa uu yahay dambiile, isla markaana kiiskiisa la soo geba-gabeeyay dhawaana Maxkamad la horkeeni doono.

Waxaa uu Madaxweynaha puntland rajo wanaagsan uu ka muujiyay in uu dhawaan xuriyadiisa heli doono, hayeeshee uu ku duray in uu ahaa Nin doonayay in si deg deg ah lagu barto.

Dhamaan Wariyeyaasha ka howlgalla degaannada Puntland ayuu ugu baaqay in sharciga iyo deganaanshaha inay ilaaliyaan, si ay wariyeyaasha u doonayan in xaquuqdooda loo ilaaliyo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post