1017 Views

Ra’iisul wasaaraha Armenia oo shaqada ka eryay taliyihii ciidamada dalkaas oo lagu eedeeyay inuu isku dayay afgambi

Ra’iisul wasaaraha Armenia oo  shaqada ka eryay taliyihii ciidamada dalkaas oo lagu eedeeyay inuu isku dayay afgambi
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Ra’iisul wasaaraha dalka Armenia Nikol Pashinyan ayaa shaqada ka eryay taliyihii ciidamada dalkaas oo lagu eedeeyay inuu isku dayay afgambi ay ciidamadu talada wadankaas kula wareegaan.

War kasoo baxay xafiiska r/wasaaraha Armenia oo ay warbaahinta dawladu baahisay ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday shaqadana laga eryay jeneral Onik Gasparyan.

Warkaan waxaa lagu sheegay in sargaalkaan uu abaabulay qorshe m/weynaha xukunka looga tuurayo hase ahaatee laga hortagay.

Wakaaladda wararka Rushka ee RIA ayaa laga soo xigtay in r/wasaare Pashinyan uu sidoo kale amray in la xiro sargaalka xilka laga qaaday.

Jeneral Onik Gasparyan ayaa dhawaan laga soo xigtay inuu soo jeedinayo in mm/weynaha iyo r/wasaaruhuba is casilaan kadib markii ay ku fashilmeen difaaca dalka sida uu yiri.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post