1758 Views

Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay rag Carruur afduubtay

Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay rag Carruur afduubtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2018 –  Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka ayaa Magacyadda Raggaas ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labada nin lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Labadaasi Nin ayaa Carruurta waxa ay ka soo afduubteen xaafada ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,balse Ciidaamdu ay durba gacanta ku soo dhigeen.

Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta.

caruur-afduub-1 caruur-afduub-2

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment