1116 Views

Meydka Mwai Kibaki oo loo soo bandhigayo dadweynaha si ay u daawadan

Meydka Mwai Kibaki oo loo soo bandhigayo dadweynaha si ay u daawadan
____________________________________________________________________________

Isniin: April 25, 2022\

Baroor diiqayaal ayaa isugu soo baxay xarunta baarlamaanka Kenya si ay u daawadaan meydka Mwai Kibaki oo ahaa madaxweynihii saddexaad ee dalkaasi ka dib markii uu geeriyooday todobaadkii hore isagoo 90 jir ah.

Sanduuqa Mr Kibaki oo lagu huwiyay calanka Kenya, ayaa subaxnimadii hore ee saakay waxaa wehliyay ciidamo geeyay xarunta baarlamaanka .

Madaxweynae Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu guddoomin doono daawashada dadweynaha ee ka dhacayso xarunta baarlamaanka.

Baarlamaanka Kenya oo hadda fasax ku jira ayaa Arbacada yeelanaya fadhi gaar ah oo ay ku maamuusayaan Mr Kibaki.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhawaaqay baroor diiq ilaa laga gaarayo aaska Mr Kibaki, iyadoo calamada ay ka babanayeen meel banaan ah. Madaxweynaha geeriyooday ayaa loo sameyn doonaa aas qaran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post