1011 Views

Madaxweyne Qoorqoor oo kusii jeedda Xananbuure

Madaxweyne Qoorqoor oo kusii jeedda Xananbuure
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 08 2020
—Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo in muddo ah ay ka taagneed colaad u dhaxaysa beelo walaalo ah oo halkaasi wada daga.

Waxgaradka labada dhinac, Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoorqoor ku wehliya socdaalka, waxaana qorshuhu yahay in xal dhammaystiran laga gaaro colaadda halkaasi ka jirtay.

Shalay ayaa deegaankaasi laga hirgaliyey heshiis xabad joojin ah, ka dib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post