1227 Views

Somalia Iyo Kenya Oo Iska Kaashanayo Baadigoobka Dhakhaatiirtii Kuubaanka Ee La Afduubtay.

Somalia Iyo Kenya Oo Iska Kaashanayo Baadigoobka Dhakhaatiirtii Kuubaanka Ee La Afduubtay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 15, 2019 –Taliska Booliska Kenya waxay bartooda Twitter-ka soo dhigeen inay Hay’addaha Ammaanka ee Somalia iyo Kenya ka wada shaqeynayaan sidii loo badbaadin lahaa 2-dii Dhakhtar ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay ka soo qafaasheen Degmadda Mandhera ee W/bari ee dalkaasi.

“Hay’addaheenna Ammanaka waxay kala shaqeynayaan Hay’addaha Ammaanka ee DFS sidii Kooxihii afduubtay Dhakhaatiirtaasi looga baadi-goobi lahaa gudaha dalka Somalia, loona soo badbadain lahaa Dhakhaatiirtaasi.

Dhinaca kale, Boliska dalka Kenya waxay sheegeen inay Alshabaab ku tuhunsan yihiin inay gacanta ku hayaan Dhakhaatiirtaasi, isla markaana ay  ula soo gudbeen xuduudka Somalia.

 

Labada Dhakhtar ee laga soo afduubtay Degmadda Mandhera ee W/bari Kneya oo lagu kala magacaabo waxay ka mid ahaayeen 100 Dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba oo Takhasusyo Caafimaad leh, kuwaasi oo dalka Kenya joogay tan iyo bishii June ee sannadkii hore ee 2018-ka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment