1029 Views

Puntland oo Ciidamo u dirtay degaan lagu dagaalamay

Puntland oo Ciidamo u dirtay degaan lagu dagaalamay
____________________________________________________________________________

Ciidamo katirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay Maanta howlgal ku gaareen degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag halkaas oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab weeraray.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa howlgal ka bilaabay gudaha degaanka Milxo, iyaga oo isku fidiyay dhamaan xaafadaha degaanka.

Dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Milxo ee u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post