645 Views

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 9, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay weheliso agaasimaha waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee wasaaradda Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa qaabilay wefdi ka socda Hey’adda Socdaalka iyo Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayey Mudane Maxamed Abdiker  oo ah u qaabilsanaha Hey’adda Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay istaraatijiyada cusub ee IOM, xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii  xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya wasaaradda iyo hey’adda IOM , iyada oo diirada la saarayo ka shaqeynta dhinacyada nabad-dhisidda, yaraynta faqriga iyo sidii xal waara loogu heli laha arrimaha barakacayaasha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post