996 Views

War deg deg ah: Maxkamada ICJ oo Xukmisay in badda ay soomaaliya leedahay

War deg deg ah: Maxkamada ICJ oo Xukmisay in badda ay soomaaliya leedahay
____________________________________________________________________________

Talaado: October 12, 2021

Waxaa goor dhawayd la Xukmiyay Dacwadii Bada kenya iyo Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inta badan kiiskii dacwadda badda ee kala dhaxeeyey Kenya, sida ay goordhow xukmisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Maxkamadda ayaa marka hore diiday doodda Kenya ay aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham labada dal ay isku raacsan yihiin, inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.waxayna ayidday doodda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin heshiis noocaan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa kadib aqbashay codsiga Soomaaliya ee ahaa inay go’aan ka gaarto xuduud badeedka labada dal, waxayna Maxkamadda ICJ ayiday doodda Soomaaliya ee aheyd in xadaynta lagu saleeyo xariiqda tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post