279 Views

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka baarlamanka Maxamed Mursal oo ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Laftagareen

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka  baarlamanka Maxamed Mursal oo  ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Laftagareen
____________________________________________________________________________

.

Talaado: DECEMBER 20, 2022

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay baarlamaanka maamulkas, isagoo fariin u diray Madaxweyne Laftagareen.

 “Cabdicasiis Laftagareen waxaan kula talinayaa afar sano ayaa meesha joogtay, hadaa wax qabatana ma qarsoomayaan, mudo kororsi in uusan socaneyn waad aragtaa, dood iyo muran ha gelin, isuguyeedh siyaasiytiinta oo doorasho qabo, hadii aad tartameysana mar kale isku soo sharax,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sheegay in muran badan uu ka jiro mudo kororsiga Laftagareen, isagoo ku tilmaamay mid aan soca karin oo aan macquul aheyn, isagoo tusaale u soo qaatay mudo kororsigii ay hadda ka hor ku fashilmeen.

“Baarlamaanka markaas fadhiya mudo ma kororsan karo, anaga waad xusuusataan 2021-kii mudo ayaan kororsaneynaa toos uma aanaa dhihin ee waxaan dhahnay doorashada ayaa dib loogu noqonaa, marka madaxweyne xukunka haaya oo mudo kororsi sameeyey meelo badan oo ay ka hir-gashay ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Mursal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa ku taliyey in dib u heshiisiin loo furo siyaasiyiinta iyo beelaha tabashada qaba ee reer Koonfur Galbeed.

Dib u heshiisiintaan ayaa waxaa hore ugu dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Baydhaba.

“Dib u heshiisiintii uu iclaamiyey Sheekh Aadan Madoobe waxaan u arkaa mid muhiim ah oo loo baahan yahay in laga dhabeeyo, dib u heshiisiintaan waxaa loo sameynayaa nidaamka hadda talada haya, qabaa’ilada deegaanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas,” ayuu yiri Mursal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post