831 Views

Dowlada Turkiga oo tijaabisay Gantaalka S-400

Dowlada Turkiga oo tijaabisay Gantaalka S-400
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL October 17|  2020
—Turkiga ayaa Jimcihii hawada u ganay gantaal meel u dhow xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo la filayay in militariga ay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida ku cad muuqaal maxalli ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters, kaasi keenay in digniin adag ay ka timaaddo Mareykanka.

Muuqaalkan oo laga soo duubay magaalada xeebta ku taal ee Sinop, ayaa muujinayay qiiq hawada isku shareerayay. Maalmihii la soo dhaafay, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiisyo xaddidaya hawada iyo biyaha aagga xeebta ah si loogu oggolaado howlgalka tijaabada gantaallahan.

Sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa sheegin ayaa tilmaamay in Turkiga uu Jimcihii tijaabiyay nidaamka difaaca ee S-400 laakiin ma uusan bixin faahfaahin.

Tijaabooyinka S-400s, haddii la xaqiijiyo, waxa ay sababi karaan in ay sii kororto xiisadaha u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday in Ankara ay hubkan ka iibsato Moscow sababo la xiriira in hubkani uu wax u dhimayo nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post