792 Views

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare HirShabeelle

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo  ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare  HirShabeelle
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Senator Muuse Suudi Yalaxow uu  ku guuleystay kursiga 1-aad ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya HirShabeelle oo ka socota magaalada Jowhar, ee xarunta maamulkaas.

Senator Muuse Suudi ayaa ka uuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo wareega labaad ay isugu soo hareen, kadib markii seddaxdii musharax ee kale ay ku hareen wareegii koowaad. Muuse Suudi ayaa helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod.

Sidoo kale Xubnaha wareegii koowaad ku haray waxaa kamid ah Cabdullahi Sheekh Xasan oo la sheegay inuu ahaa musharaxii ay wadatay Villa Somalia, waxuuna helay 15-cod oo kaliya, taasi oo muujisay sida reer HirShabeelle ay isaga diideen Villa Somalia.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post