156 Views

Sagaal qof oo reer Yurub u dhashay oo lagu xiray dalka Iiraan, intii ay socdeen mudaaharaadyo ay dadku ku dhinteen

Sagaal qof oo reer Yurub u dhashay oo  lagu xiray dalka Iiraan, intii ay socdeen mudaaharaadyo ay dadku ku dhinteen
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Sagaal qof oo reer Yurub u dhashay, ayaa lagu xiray dalka Iiraan, intii ay socdeen mudaaharaadyo ay dadku ku dhinteen, oo ka dhashay haweeney la xirey, dabadeedna ku dhimatay xabsiga.

Saraakiisha sirdoonku, ayaa waxay xirxireen dadka loo arko inay yihiin “wakiilada ururada basaaska ee shisheeya ah”, ha ahaato mudaaharaad ama “dhanka danbe wax ka hoggaamiya”, warbaahinta maxaliga ah, ayaa sidaasi sheegtay.

Rabshadaha ayaan u muuqan kuwo dhamaanaya, iyadoo tirada dhimashadu ay sii kordhayso.

Dibad-baxyada ayaa ka dhacay caasimadda Tehran, waxayna ku fideen dalka oo idil, kaddib markii haweeney Kurdish ah oo lagu magacaabo, Mahsa Amini, ay geeriyootay, iyadoo muddo ku jirtay gacanta booliiska.

Gabadhan oo 22 jir ah, kana soo jeeda magaalada Saqez ee waqooyi-galbeed, ayaa 13kii Sebtembar waxaa lagu xiray Tehraan.

Saraakiisha booliiska ee ilaaliyaha akhlaaqiyaadka, ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga adag, ee dhigaya in haweenku ay timahooda ku asturaan xijaab, ama xijaabtaan iyagoo dhan.

Saraakiishu ma aysan cadeynin halka lagu xiray sagaalka qof ee reer Yurub, balse waxay soo gudbiyeen arrimo toban gaaraya, oo ay ku sheegeen inay ku lug lahaayeen dibad baxyada, ajaanib iyo mucaarad fadhigoodu yahay dibadaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post