285 Views

Maalinta nabadda adduunka oo Muqdisho laga xusey (peace day)

Maalinta nabadda adduunka oo Muqdisho laga xusey (peace day)
____________________________________________________________________________

Khamiis:SEPTEMBER 22, 2022


Meelo kamid ah magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaayey calanka jmahuuriyadda oo la surey sida jidadka qaarkood.

Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimey ayaa ka dhacdey wasaaradda arrimaha gudaha waxaana ka qaybgalay raysalwasaare ku xigeenka dalka Saalax Jaamac.

Saalax ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed baahi wayn u qabaan nabad, wuxuu yiri “waxay ka daaleen khilaaf iyo colaado sokeeye”…. “In aynu dhamaystirno geeddiga nabadda waxa inaga xigta inta aynu ka mir-dhalinayno halganka socda ee lagu ciribtiraayo argagxisada….” ayuu yiri Saalax.

Sanadkii 1981 ayaa shirkii loo dhamaa ee Qaramada Midoobey isku raaceen 21 Siteembar in ay noqoto maalinta nabadda, waxaa maanta oo kale meelo kala geedisan oo dunada ah lagu qabtaa shirar looga hadlaayo muhimadda ay nabaddu leedahay.

Xuska maalinta nabadda ee sanadkan 2022 ayaa halkudhig looga dhigay: End Racism. Build Peace. (Jooji Hayb-sooca. Dhis Nabadgelyada)

Xuska maalinta nabadda Adduunka ayaa inta badan ku soo beegma xiliga loo fadhiyo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post