1032 Views

Gabadhii ugu horreeyey oo Soomaaliya uga qayb galaysa ciyaaraha feerka ee Olombikada

Gabadhii ugu horreeyey oo Soomaaliya uga qayb galaysa ciyaaraha feerka ee Olombikada
____________________________________________________________________________

 Talaado: July 6, 2021

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynayso dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Ramla ayaa maanta ku shaacisay barta Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha.

Waxay noqonaysaa haweeneydii ugu horreysay ee abid si xirfadaysan feerka ugu tartamaysa ciyaaraha Olimbikada iyada oo matalaysa Soomaaliya.

Iyada oo ay ciyaaraha olombikada bilaabanayaan bishan, Soomaaliya ayaa sannadkan haysata ciyaaryahanno ku matalaya Olimbikada.

Ramla Ali, ayaa tartanka Olimbikada waxa ku wehlisa Munirah Warsame oo iyadana Soomaaliya ku matalayso qaybta orodka.

Ramla ayaan la safari doonin kooxdeeda, sida ku cad qoraalka ay soo dhigtay Twitter-ka. balse, seygeeda ayaa la joogi doona Guul iyo guul-darraba, ka qaybgalka Ramla ee Ciyaaraha Olombikada ayaa horumar weyn u ah tartanka feerka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post