924 Views

Heshiis laga gaaray Colaadda Canfarta iyo Soomaalida

Heshiis laga gaaray Colaadda Canfarta iyo Soomaalida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 11, 2021–Waxaa Magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobolka Siti.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Canfarta Awal Arba.

Heshiiska nabadeed ee ay labada madaxweyne ka gaareen colaaddi labada deegaan u dhaxeysay waxaa horkaceysay Wasiiradda nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kaamil.

Labada deegaan xadka ay wadaagaan waxaa ku dhex maray dagaal uu dhiig badan ku daatay shacab badanna ay ku barakacen.

Shucuubta Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallama deegaanno ay labada deegaan lahaanshahooda kala sheegtaan sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla xadaka ay wadaagaan deegaannadaasi.

Iyada oo ay taagan tahay colaadda labada deegaan oo aan xal waarana laga gaarin sheegashada dhulka la isku hayo waxaa xaaladda sii huriyey guddiga doorashooyinka dowladda dhexe ee Itoobiya oo soo saaray go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow ee ay gaari karaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post