990 Views

Musharrixiin uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la diiwaangeliyay

Musharrixiin uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la diiwaangeliyay
____________________________________________________________________________

Guddiga hireglinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ka wada diiwaangelinta musharixiinta 7-dii kursi ee ugu dambeeysay Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa musharixii ugu horreeyay oo ay Maanta diiwaangeliyeen waxaa uu noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxman Aadan oo u sharraxan kursiga HOP#172, waxaana kursigaan uu yahay mid uu ku matali doono Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo mar ku fadhiyay.

Sidoo kale Guddiga ayaa shahaadada musharraxnimo ee Golaha Shacabka guddoonsiiyay Maryan Macalin Isaaq oo markale u sharraxan kursiga Hop#181 oo ay horay ugu fadhisay,

Xaawo Sokor Cali ayaa qaadatay Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gollaha Shacabka Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#047, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirka Haweenka Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Isaaq Cali Subag oo ah Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo u sharaxan kursiga HOP#204, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Macalin Cali Aadan, waxaana dadka doonayay oo laga reebay kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Nuur isaaq sheekh oo u sharaxan kursiga HOP#204, waxana kursigan horay ugu fadhiyay Macalin Cali Aadan.

Maxamed Aadan Maxamed oo u sharaxan kursigaHOP#172 ayaa Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed waxaa ay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Maxamed Aadan Maxamed oo u sharaxan kursigaHOP#172.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Maxamed Abuukar Cabdi oo u sharaxan kursiga HOP#164, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax).

Cumar Cali Issaaq Balash ayaa Maanta waxaa las iiyay shahaadada musharraxnimo ee Kursiga HOP#197, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre Cabdifitaax Ibraahim Geeseey.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa waxay shahaadada musharaxnimada gudoonsiiyeen musharax Maxamed Keerow Maxamed oo u sharaxan kursiga HOP#179, waxaana kursigaan ku fadhiya Maxamed Axmed Garweyne.

Maalinta berito ah la soo geba-gabeyn doona doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay  degaannada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post