702 Views

Gacan ka hadal iyo khasaare ka dhashay arday maanta loo diiday imtixaanka DF

Gacan ka hadal iyo khasaare ka dhashay arday maanta loo diiday imtixaanka DF
____________________________________________________________________________


Isniin: June 20, 2022

Iyadoo maalintii 3-aad Muqdisho iyo gobollada dalka looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo dowladda federaalku ay qaadeyso ayaa maanta waxaa degmada Xamarweyne ka dhacday shaqaaqo ka dhalatay imtixaanka.

Ugu yaraan shan arday oo qaarkood ay rasaasi ku dhacday ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadaas oo maanta barqadii ka dhacday banaanka hore ee iskuul lagu magacaabo Macalin Jaamac oo ku yaalla degmada Xamarweyne.

Arday la sheegay inay ka soo daaheen waqtigii loo fariisan lahaa imtixaanka iyo ciidankii ilaalada ka ahaa banaanka hore ee iskuulkaas ayaa isku gacan qaaday, waxaana ka dhashay dhaawacyo, iyadoo askartu ay rasaas fureen.

Ardayda qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la balamiyey 7:00 subaxnimo, balse markii ay yimaadeen laga furi diiday albaabka iskuulka ay imtixaanka ku galayeen, waxayna dowladda, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ka codsadeen inay cadaalad helaan.

Markii loo diiday ardaydaas inay gudaha u galaan iskuulka, waxay isku dayaan inay xoog ku galaan iskuulka, si imtixaanka ay uga qeyb qaataan oo uusan u dhaafin, balse waxaa rasaas iyo gacan qaad kala hor yimid booliskii ilaalada ka ahaa albaabka hore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post