1062 Views

Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliye weerar afka ah ku qaadey Madaxda Dowladda

Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliye weerar afka ah ku qaadey Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.

 

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankaas kusoo dabaaleen.

 

 

 

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Gaashanle dhexe Mahad Islaam uu iska diidey afganbi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada Degmada Afmadow taas oo Dowlada Federaalka ah ay la damacsan tahay meelo badan oo dalka kamid ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment