1116 Views

Maaamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho gaar kii ka dhacay Daarusalaam

Maaamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho gaar kii ka dhacay  Daarusalaam
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan deegaanka Daarusalaam, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Afhayeenka Maamulka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay kolonyo uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Axmed Cariif.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in Guddoomiye Cariif iyo Saraakii ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo la socday ay ka badbaadeen qaraxaas oo Maanta ku qabsaday, xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Cariif ayaa laba mar oo horey ka badbaaday, waxaana Maanta ay noqoneysaa markii saddexaad uu ka badbaaday qarax miino nooca dhulka la geliyo ah oo lala eegtay gaarigiisa.

Qaraxaas dhacay ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo saakay qarax miino uu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Milateriga, halka kuwo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana Mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post