2100 Views

Boqolaal Tahriibayaal ku sii jeeday Europe oo lagu qabtay Badda Mediterranean

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10, 2018 –  Ilaaladda Xeebta ee dalka Liibiya waxay sheegeen inay qabteen 2 dooni oo ay la socdeen in ka badan 150 Tahriibayaal isugu jiray Afrikaan iyo Carab, mana jirto wax faahfaahin ah oo uu ka bixiyey  dalalka ay Tahriibayaasha ka soo jeedaan, isagoo ku gaabsaday inay isugu jiraan Carab iyo Afrikaan.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha dalkaasi, Ayuub Qasiim oo la hadlay Wakaalladda Wararka XINHUA ayaa sheegay in mid ka mid ah Tahriibayaasha u badan tahay inuu ku degay Badda.

Waxa uu tilmaamay in doonida Koowaad lagu qabtay meel 32 KM u jirta Xeebta Degmadda Zuwara oo Galbeed ka xigta Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, iyadoo doonida Labaad lagu qabtay  meel 32 KM u jirta Xeebta Degmadda Garabuli ee Bariga kaga toosan magaalladda Tripoli.

Afhayenka waxa uu sheegay in Tahriibayaasha la soo qabtay lagu hayo Saldhig ay Ciiddanka Badda ku leeyihiin Tripoli, iyagoo la siiyey taageero Dawao iyo Samafal kale.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Liibiya waxa kale oo uu sheegay inay Tahriibayaashaasi u gacan geliyeen Waaxda La-dagaalanka socdaalka sharci-darradda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment