2538 Views

Wasiirkii Horre Ee Maaliyada DFS Oo Si Kulul Kaga Hadaley Xariga Sheekh Mukhtaar Oo ku dhawaad Sadax Sanno U Xiran Dowlada.

Wasiirkii Horre Ee Maaliyada DFS Oo Si Kulul Kaga Hadaley Xariga Sheekh Mukhtaar Oo ku dhawaad Sadax Sanno U Xiran Dowlada.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 02, 2021–Wasiirkii horre ee Maaliyada DFS Mmudane Maxamed Aadan Ibrahim Farkeeti Ahaana Musharaxiitii u tanaasul Musharax  Sheekh Mukhtaar Rowobow Cali abuu mansuur oo iminkana u xiran dowlada ayaa si weyn uga hadaly Xariga Sheekha Isaga oo sheegay in xariga sheekha  leeyahay wajiya farabadan, Sidoo kale Wasiirka ayaa iftiimeyey Xaaladaha cakiran ee iminka ka jira  M aamulka KG Somaliya, Wasiir Farkeeti ayaa intaa hadlkiisa ku daray in Cadaalada uu ubaahanyahay sheikh  ay u taagan yihiin meel walaba uu cadaalad ku heli karo

Hoos Ka Akhriso Qormada Wasiirkii Horre ee Wasaardda Maaliyada DFS.

Arrinta Sheekh Mukhtar Roobow waa arrin aan si dhow ula socdo oo ilaa iyo hadda dadaalo badan ku bixinayno sidii uu xoriyadiisa xaqqa u leeyahay u heli lahaa. Laakiin ma ahan arrin sahlan waxaan rabaa in dadka fahmaan in xarigga Sh Mukhtar uu leeyahay wejiyo badan oo siyaasadeed, amni, sharci iyo qabiil intaba leh.

Dadka difaacaya xirnaashihiisa waxay u badan yihiin dad caatifiyan taageersan dadkii ka dambeeyay xarigiisa waxayna ku doodaan inuu argagixiso ahaan jiray ama uu ka biyo diiday soo jeedinti Dowladda oo ahayd inuusan isa soo sharaxin. Labaduba ma ahan arrimo si sharci ah loo wajahay oo ay maxkamad lala tiigsaday. Dad badan oo ay isla soo garab dagaalameen ayaa hadda xilal sarsare ka haya Dowladda. Isagana si cad ayuu uga tanaasulay fikirkaas, ficliyana uga soo horjeestay kooxdaas. Laakiin marka aragtid sida loo xormeeyo shaqsiyaad weli fikirkaas ku taagan ama kuwo dembiyo jariimo ah sameeyey waxaa iska cad in xariga Sh Mukhtar uu leeyahya weji qabiil leh. Arrinta musharaxnimada waa mid Dastuurka u ogalaanaya laakin inay munaasab ahayd iyo in kale waa arrin siyaasadeed.

Dhanka kale, Sh. Mukhtar xirnaashihiisa siyaasiyiin KG ayaa codsaday welina raba inuu sii xirnaado, Dowlada dhexe waxay amartay in la soo xiro, Itoobiyana waxay fududeysay soo xiritaankiisa. Markaa in isla iyagii laga codsado caddaalad waa wax mala-awaal ah. Dadyowga KG iyaga ayaanba siyaasiyan iyo amni ahaanba xor ahayn. Deegaanada KG waxay ku jiraan go’doon amni siyaasiyana wey cabursan yihiin. Isku haleynta ciidanka Itoobiyanka ee madaxtooyada KG ilaaliya ayaa marka hore u baahan in laga tashado. Midda labaad, siyaasiyiinta KG ku matela Dowladda dhexe ayaa u muuqda kuwo aan xor u ahayn fikirkooda. Taas ayaa keenaysa in cadaalad laga raadiyo wadanka dibediisa ilaa laga helayo xoriyad gudaha ah iyo isbedel dhab ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post