699 Views

Sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow) oo si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Qeybta 60-aad.

Sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow) oo si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Qeybta 60-aad.
____________________________________________________________________________

 

Sabti: May 21, 2022

Gaashanle Sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow) oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Cusub ee Qeybta 60aad ayaa Maanta si rasmi ah Xilka Taliyaha ugula wareegey Taliyihii hore Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.

Sarreeyo guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa kamid noqday Xildhibaanada 11aad ee BJFS, taas oo horseeday in xilkii uu haayay loo magacaabo Gaashanle Sare Ibraahim Cismaan Maxamed (Tifow)

Munaasabada xil wareejinta ayaa ka dhacdey Xarunta Taliska qeybta 60aad ee Magaalada Baydhabo waxana ka soo qayb galay Saraakiisha Qaybta 60aad ee CXDS, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Beeydhabo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post