1089 Views

Ciidamada Dowlada oo Go’doomiyay Duleedka Guriceel oo Gurmad uga imaan jiray Ciidamada Ahlusunna

Ciidamada Dowlada oo Go’doomiyay Duleedka Guriceel oo Gurmad uga imaan jiray Ciidamada Ahlusunna
____________________________________________________________________________


Khamiis: October 7, 2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada Guriceel ee Xarunta Ganacsiga Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada galmudug ay shalay Xireen Wado muhiim ah oo ka imaan Jirtay Degaanka Bohol oo ay haatan ku xoog badan yihiin Ahlusuna.

Ciidamada Ahlusunna ee ku sugan Guriceel ayaa haatan u furan oo kaliya in ay aadaan laba jiho  Hadii looga awood roonaado dagaalka magaalada Guriceel, oo Saacadaha soo socda laga cabsi qabo in uu bilaawdo.

Sidoo kale xaalada magaalada ayaa aad u kacsan saacadihii la soo dhaafay, waxayna wararku sheegayaan in Xili kasta ay bilaaban karto Colaada ama dagaalka.

Office Naiorbi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post