753 Views

Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay in doorashada uu Biden, ku guuleystay, Trump waxaa uu isku soo xiray Aqalka Cad.

Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay in doorashada uu Biden, ku guuleystay, Trump waxaa uu isku soo xiray Aqalka Cad.
____________________________________________________________________________

Maxay tahay sababta uu madaxwayne Trump u aamusay oo uu hadalka u yareeyay?

Waxaa uu ahaa shaqsi jecel in indha dadka uu soo jiito. Balse bishan 14 maalmood kama uusan soo bixin Aqalka Cad.

Bal aan eegno toddobaadyadii ugu dambeeyay qaabkii uu u qaatay iyo waxyaabihii uu qabanayay.

Askari ka tirsan Maariiniska Mareykanka oo xiran galoofis cad iyo maaskaraati madow ayaa taagan goobta laga galo Aqalka Cad ee loo yaqaanno West Wing horraantii toddobaadkan. mar haddii u askeriga halkaa taagan yahay waxa ka dhigan tahay madaxwaynaha waxaa uu ku sugnaa goobtiisa shaqo.

Balse madaxweyne Donald Trump ma uusan ku howlaneyn shaqooyiinka caadiga ah ee ay aheyd in uu qabto madaxwayne xilka ka sii degaya.

Afar sano ka hor, waxaa uu ku sugnaa xafiiska ku yaalla Aqalka Cad ee Oval isaga oo talooyiin ka helayay Barack Obama, oo xillligaa ahaa madaxwayne islamarkana uu markii dambe isaga badalay.

Taa badalkeeda waxaa uu Trump ku mashquulsanaa arrimaha doorashada iyo daawashada Telefishinka sida ka muuqata qoraalada uu soo dhigo barta Tweetar-ka.

Maalmihiisa u dambeeyay ayaa ahaa kuwa ka duwan doorashada ka hor iyo qaabkii uu u dhaqmayay.

Wakhtigii doorashada ka horeeyay wuxuu si joogta ah u gali jiray safaro islamarkana waxaa uu malin kali ah u safar ku kala bixiyay 4 gobol.

Waxaa uu khudbado ka jeedin jiray siu soo baxyada waxaana si joogta ah uu uga soo muuqan jiray telefishinada.

Waxaa uu hadalo lagu maadsado ku tuuri jiray musharaxa Dimuqraadiga, Joe Biden.

Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay in doorashada uu Biden, ku guuleystay, Trump waxaa uu isku soo xiray Aqalka Cad.

Waxaa uu kamarooyiinka hortooda ka soo muuqday oo kali ah labo mar.

Mar waxay ahayd maalinkii la xusayay ciidamadii Mareykanak uga dhintay dagaalkii labaad, halka marka labaad ay ahayd mar uu ak hadlayay feyriska Corona isaga oo ku sugan Aqalka Cad ayuu shir jaraa’id qabtay.

Trump xilligaasi wax su’aala ah kama uusan jawaabin sidii caadada ahaeyd.

Sidoo kale uam adkeysan karo mowjado taageerayaashiisa ah so baxaya maanta afaafka hore ee aqalka cad.

Trump ayaa sidoo kale si dhaw ula socday Telefishinada muxaafidka ah oo lagu yaqaaano inay falanqeeyaan fikrado ku saabsan dabino dhanka doorashada.

Trump ayaa maalmihii u dambeeyay sidoo kale shaqada ka ceyrinayay saraakiil sarsare.

Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Mark Esper, oo ka hor yimid in ciidamo loo daadgureey magaalooyiin ay ka dhacayeen dibadbaxya ayuu madaxwaynaha shaqada ka ceyriyay.

Waxaa uu sidoo kale xilka ka qaaday Christopher Krebs, oo ahaa sargaal sare oo ka tirsanaa hay’adda ammaanka internet-ka ee Mareykanka ka dib markii uu sheegay in doorashada ana lagu shuban.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale qaatay go’aano ay ka mid ahaayeen in la dhimo tirada ciidammada Mareykanka ka joogo Afqanistaan iyo Ciraaq.

Go’aanada tallaaboyiinkan oo lagu gaaray shir ay albaabada u xirnaayeen ayaa saamayn waqti dheera ha ku yeelan doona Mareykanak iyo caalamka guud ahaan.

Waxay tallaabooyiinkan ay caqabad ku hor-gudban ku noqon doonaan Biden marka uu xafiiska la wareego bisha January.

Marka dhammaan arrimahan laga soo tago waxaa uu madaxwaynaha si dhaw uu isha ugu hayay halka ay marayaan dacwadaha ay gacanta ku hayaan qareenadiisa ee doorashada ku saabsan.

Qaar ka mid ah dadka ka ag-dhaw ayaa waxay sabab uga dhigeen ka maqnaashiyaha Trump ee fagaarooyiinka inay tahay arrinta kiisaska uu maxkamada geeyay oo uu ka war dhowrayo.

“Waxaa uu isku dayayaa in dagaalka dhanka sharciga ka war sugo,” waxaa sidaasi yiri Kurt Volker, oo horey ula soo shaqeeyay madaxwayne Trump.

Toddobaadyadii u dambeeyay, dadka dhaliila madaxwaynaha waxay ku cambaareynayeen sida uu u diidan yahay in uu gacan ka geysto sidii xilka loola kala wareegi lahaa.

Tageerayaasha madaxwaynaha ayaa dhankooda ku raacsan go’aankiisa.

Malaayiin dadka Maeykanka ah ayaa dhanka kale Trump la qaba fikirka ah in doorashada waxa isdaba marin dhacday.

Ku dhawaad afar meelood saddex meel taageerayaasha Jamhuuriga ayaa sida ku cad ra’yi uruurin la sameeyay waxa ay shaki ka qabaan in doorashada Biden uu ku guulesytay.

Dhanka kale qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ayaa u muuqda kuwa niyad ahaan shaqada ka tagaya iyaga oo isu diyaarinaya maamul cusub.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka cad ayaa la arkayay iyaga oo qalabkooda kala baxaya Aqalka Cad.

Mid ka mid ah saraakiishii hore ee Aqalka Cad oo ah khabiir dhanka siyaasadda arrimaha dibadda islamarkana wali dowladda u shaqeeya ayaa sheegay in isaga iyo saaxibadii ay sugayaan-uun inta uu wqatigooda ka dhamaanayo.

Xigasho BBC

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post