240 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 40 kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay deegaanka Cali Fooldheere ee degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya oo  sheegtay in 40 kooxda Al-Shabaab ah lagu dilay deegaanka Cali Fooldheere ee  degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
____________________________________________________________________________

Khamiis:DECEMBER 1, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in illaa 40 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga ciribtirayo dalka oo dhan isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mahadcelinayso shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah dagaalka Al-Shabaab iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday dhallinyarada ku jirta kooxda Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, ayna gacan furan kusoo dhowayso kuwa kasoo baxa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post