678 Views

Koox hubeysan oo sarkaal Soomaali-Kenyan ah ku dhex afduubatay magaalada Nairobi

Koox hubeysan oo sarkaal Soomaali-Kenyan ah ku  dhex afduubatay magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Khamiis: : September 16, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Koox aan heybtooda la garaneyn ay Wadada Super Highway ee Magaaladaasi ka afduubteyn Sarkaal Boolis ah oo asalkiisu yahay Soomaali Kenyan ah.

Sarkaalka  la afduubtay ayaa lagu magacaabaa  Cisman Godane, iyadoo kooxda ay afuubtay maalintii isniinta ahayd sida ay warbaahinta u sheegeen qoyska Sarkaalka.

Cumar Dida oo ah aabaha sarkaalka la afduubtay ayaa maalintii arbacada aheyd 14-kii September warbaahinta u sheegay in wiilkiisa la afduubtay maalintii uu kasoo baxay hoygiisa oo ku yaalla Laisamis oo ka tirsan Marsabit County ee Kenya.

“Xoghenta wasiirada arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang waa inuu sharaxaa wixii dhacay xaqiijiyina in sarkaalka dib u helo xoriyadiisa,” sidaasi waxaa yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay.

“Sarkaalka wuxuu gurigiisa kasoo tagay shantii galabnimo 5-PM wuxuu kusoo wajahnaa magaalada Nairobi laakiin wuxuu afduubka dhacay afar saacadood kadib markii uusoo gaaray Thika Road” ayuu yiri aabaha dhalay sarkaalka la afduubtay Cumar Dida.

wuxuu intaa ku daray “in waqtigii uu soo gaaray wadada weyn ee Thika gaari madoow ayaa si xowli ah ku dhaafay kadibna hortiisa isku dadbay, waxaa naloo sheegay in gaariga madow noociisu u ekaa Toyota Noah kana soo dageen afar nin kuwaasoo afduubka sameeyay.”

Gudaha dalka Kenya waxaa kusoo badanaya afduubka lagu beegsanayo dadka Soomaalida ah ee ka dhex Muuqda dalkaasi waxaana horay loo afduubtay Prof  Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo Bashiir Maxamed Maxamuud oo ahaa ganacsade Soomaali mareykan ahaa, kaaso ugu dambeyn meydkiisa la helay.

Gudaha dalka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi waxaa dhawaan nahaanba kusoo badanayay afduubka loo geesanayo Soomaalida sida weyn bulshada Kenyaan ah ugu dhex muuqda, iyadoo afduubka sarkaal kaani uu imaanayo mid hore loogu geestay afduub  Aqoon yahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Prof  Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, sidookale Bashiir Maxamed Maxamuud oo isna ahaa ganacsade Soomaali mareykan ah ayaa meydkiisa la helay Kenya.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post