7317 Views

Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya oo aan maanta Soomaaliya ka degin

Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya oo aan maanta Soomaaliya ka degin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  07 September 2016 |  Diyaaradihii qaadka oo maanta aan ka cago dhigan Garoomada Gaalkacyo iyo Qardho.

Wararka ka imaanaaya Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Qardho oo Puntland ay ka arrimiso, ayaa waxay sheegayaan in maanta aanay ka cago dhigan diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Diyaaradahan, ayaa maalintii 2-aad ka degay Garoonka Magaalada Laascaanood, iyadoo suuqyada Laascaanood si caadi ah loogu kala iibsanaayo qaadka.

Gaadiidka yar yar oo maanta qaadka looga qaaday Magaalada Laascaanood, ayaa waxay gaareen Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

qaad

Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, ayaa waxaan jirin wax qaad ihi oo dhinaca dhulka lagu gaarsiiyay, balse saacadaha soo socdo ayaa la fillayaa in ay gaaraan.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in qaad la’aan maanta laga dareemay Magaalada Boosaaso, iyadoo ay haawanayaan koloyadii qaadka lagu iibinaayay.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment