759 Views

Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo lagu hakiyay natiijada kursigii Mahdi Guuleed.

Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo  lagu hakiyay  natiijada kursigii Mahdi Guuleed.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 2, 2021

Waxaa goor dhawayd Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo  lagu dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Qoraalkan ayaa laga dalbaday in guddiga doorashooyinka heer federaal in aysan shaacin natiijada kursigaas, maadaama dacwad laga keenay kursiga Hop 239.

Sidoo kale Dacwadan ayaa waxaa soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hadda kursigan ku fadhiya, illaa baarlamanka cusub laga dhaarinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post