573 Views

Wasiirka Warfaafinta oo si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah musharraxiinta mucaaradka

____________________________________________________________________________

.

Talaado: November 23, 2021

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha ee ka soo jeeda garabka mucaaradka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu baal maray shuruucdii doorashada.

Balse Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa ku gacan seyray hadalka Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inuu yahay hal shakhsi oo kaliya.

Wareysi uu siiyay BBC-da ayuu hadal ay caro badan ka muuqatay ku sheegay in “mucaaradku aysan oggoleyn habka loo wajahay doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.

Waxa hadda socda ayuu sheegay in aan lagu magacaabi karin doorasho.

“Hab raaca doorashada ee qoran waxay ka billaabataa odayaasha dhaqanka. In ugu horreyn la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka, la tababaro, kaddib ay ergo xulaan, ergadaas la tababaro, nidaamkii lagu heshiiyay ee kootada ahaa ee dhinaca haweneka ama bulshada rayidka ah la caddeeyo, ka bacdi ayay imaaneysaa in xildhibaannada ay is diiwaan geliyaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post