1704 Views

Sawiro:-131 arday oo 30 Sano Kadib Maanta ka qalin jabisay Shan kamid ah kuliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sawiro:-131 arday oo 30 Sano Kadib Maanta  ka qalin jabisay Shan kamid ah kuliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna xusay rajada wanaagsan ee uu ka qabo mustaqbalka dalka.

“Waddankeennu wuxuu soo maray duruufo kala duwan, waxa uuna maanta marayaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn.”

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey aqoonyahanka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen in dib loo furo Jaamacadda Ummadda iyo in la helo dhallinyaro waxbaratay oo ka qayb qaadata dib u dhiska dalka ayaa tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ammaanay Hormuudka iyo Bareyaasha Jaamacadda Ummadda oo ku soo shaqeeyay duruuf adag, isla markaana ka miradhaliyey hiigsigii dib u soo nooleynta Jaamacadda iyo barbaarinta jiilka berri, wuxuuna ardayda qalinjabisay kula dardaarmay in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarka dalkooda, aqoontoodana ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda.

Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacadda Ummdadda Soomaaliyeed oo ah dufcaddii koowaad ee ka baxda Jaamacadda burburkii ka dib ayaa tiro ahaan gaarayey 131 kuwaas oo dhammaystay kulliyadaha Sharciga, Dhaqaalaha, Beeraha, Waxbarashada, iyo Xanaanada Xoolaha.

Munaasabadda qalinjabinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, diblomaasiyiinta ka hawlgala magaalada Muqdisho, Wasiir Kuxigeenka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment