819 Views

Mareykanka oo Somalia u balan qaaday qorsho looga hortagayo weerarada Al-Shabaab

Mareykanka oo Somalia u balan qaaday qorsho looga hortagayo weerarada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 29|  2020
—Warbixin kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray sida lagu xadidi karo awooda Ururka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fuliya Gudaha dalka Soomaaliya.

Warbiixnta ayaa waxaa lagu sheegay in waxka qabashada iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab ay u baahan tahay iskaashi iyo in wada-shaqeyn dhow ay ka yeeshaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga si looga hor-istaago ilaha ay dhaqaalaha faraha badan ka helaan.

“ Waxaa Mareykanka ka go’an in Soomaaliya uu kala Shaqeeyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran iyo waxyaabaha qarxa si loo yareeyo khataraha weerarada Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.

Ugu dambeyn Warbixinta kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay Dowlad goboleedyada kajira dalka Soomaaliya iany gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa ilaha dhaqaale oo ay ka helaan Al-Shabaab.

Dhawaan Warbxiin soo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha Al-shabaab kasoo gala canshuuraha uu ka badan yahay midka dowladda u soo xaroota.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post