1071 Views

Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo la sheegay in ay u gudbeen dhanka Somaliland

Xubno ka mid ah Al-Shabaab oo la sheegay in ay u gudbeen dhanka Somaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 12 2020—Ilo ka tirsan laamaha amniga maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in  xubno ka tirsan  Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland.

Lamaanaha Ammaanka Puntland ayaa laga soo xigtay in xubnaha gudbay ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.

Somaliland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay adkeysay Ammaanka Magaalooyinka waa weyn.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Waxaase adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post