441 Views

Kursi Golaha Shacabka ka mid ah oo doorashadiisa lagu qabanayo Jowhar

Kursi Golaha Shacabka ka mid ah oo doorashadiisa lagu qabanayo Jowhar
____________________________________________________________________________



Axad: April 10, 2022

Guddiga Maamulka Doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ay ku qabtaan doorashada mid ka mid ah kuraas saddex ah oo shalay qorshuhu ahaa in halkaas lagu doorto.

Guddiga ayaa hore u shaaciyay qabadashada doorashada Saddex kursi oo kala ah HOP#024, HOP#106 iyo HOP#140, balse Guddiga ayaa awoodi kari waayay in shalay doorashadada kuraastaas ay qabtaan, kadib markii xiisad iskugu jirtay buuq iyo gacan ka hadal ay ka dhalatay doorashadooda.

Kursiga kaliya ee maanta doorashadiisa lagu qabanayo Magaalada Jowhar ayaa ah kursiga HOP#140 kaas oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali kaas oo markale u taagan in uu ku tartamo doorashada kursigaan.

Guddiga Doorashada Hirshabeelle ayaa shahaadada musharaxnimo ee Kursiga HOP#140 guddoonsiiyay musharixiinta kala ah:

1-Cabduqaadir Cosoble Cali

2-Cabdikariin Cilmi Tifoow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post