414 Views

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiyada FEIT & SEIT

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiyada FEIT & SEIT
____________________________________________________________________________

Talaado: April 26, 2022

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam {Madoobe}, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Jubbaland kuwaas oo dhawaan soo gaba gabeeyay doorashooyinka labada deegaan doorasho ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay shaqadii adkayd ee ay soo qabteen taas oo muhiim u ahayd dhismaha Dowlada Cusub ee dalku uu dhawaan yeelan doono lagagana gudbayo marxaladan adag ee hada uu dalku ku jiro.

Waxaa kale oo munaasabadan Madaxweynaha ku wehelinayay labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka baarlamaanka iyo masuuliyiinta labaad heer ee Guddiyada doorashooyinka dalka.
Kulankaan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddiyada doorashada ayaa kusoo aadaya, xili uu jiro wali khilaafka ka taagan dhaarinta Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo shahaadooyinkii ay guddoonsiiyeen xubno ka mid ah Guddiga FEIT la jooga Magaalada Muqdisho.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in Xubnihii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq oo gaarayay 16-ka Xildhibaan lagu dhaariyay xalay Muqdisho, iyadoo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanadaas uu goob joog ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad).

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post