876 Views

Mareykanka oo baaritaan ku sameynaya dhaqamada booliiska magaalada Minneapolis, kadib dilal soo lab laabtay.

Mareykanka oo  baaritaan ku sameynaya dhaqamada booliiska magaalada Minneapolis, kadib dilal soo lab laabtay.
____________________________________________________________________________

April 22, 2021

Federaalka Mareykanka ayaa baaritaan ku sameynaya dhaqamada booliiska magaalada Minneapolis, maalin kaddib markii mid ka mid ah saraakiishii hore lagu xukumay dilka George Floyd.

Waaxda caddaaladda ayaa eegi doonta haddii ay jiraan dhaqamo “aan wafaqsaneyn dastuurka amaba sharci darro ah”, sida uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland.

Arrintan ayaa ka dambeysay caradii ka dhalatay dilkii uu Derek Chauvin u geystay Mr Floyd.

Sarkaalkan hore ayaa Talaadadii lagu xukumay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay.

Chauvin ayaa muuqaal laga duubay isaga oo jilibka qoorta uga haya Mr Floyd in ka badan sagaal daqiiqo xilli uu xirayay bishii May 2020. Mr Floyd, oo ahaa nin Afrikaanka Mareykanka ka soo jeeda oo aan hubeysneyn, ayaa saacad kaddib geeriyooday.

Geeridiisa ayaa caro ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo dunida inteeda kaleba, waxaana jiray baaqyo ah in isbeddello lagu sameeyo booliiska.

Xukunkii Talaadadii ayaa laga soo dhoweeyay Mareykanka oo ay dhif tahay in qof booliiska ka tirsan la xukumo.

Balse Mr Garland ayaa weriyeyaasha u sheegay in xukunka uusan “bannaanka keeneynin arrimaha dhaqanka booliiska ee ka jira Minneapolis”.

Maxaa diiradda lagu saari doonaa baaritaanka?

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in baaritaanka “ay ka mid noqonayaan qiimeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadaha Waaxda Booliiska Minneapolis, tababarka, kor joogteynta iyo adeegsiga xoogga.”

Waxaa sidoo kale la baari doonaa “haddii sida uu booliisku ula dhaqmo dadka qaba xanuunnada dhimirka ay sharci darro tahay”, iyadoo sidoo kale la eegayo “waxtarka hannaanka haatan ee isla xisaabtanka iyo in loo baahan yahay habab kale oo lagu hubinayo in booliisku ay ku dhaqmaan dastuurka”.

Mr Garland ayaa sheegay inay muhiim tahay in bulshada iyo waaxda xoojinta sharcigaba ay si wada jir ah uga qeyb qaataan haddii la doonayo in baaritaanku uu noqdo mid miro dhala, wuxuuna intaas ku daray inuu haatanba la hadlay labada dhinac.

Haddii dhaqamo aan sharci ahayn lagu helo, wuxuu ballan qaaday in warbixin laga soo qorayo dacwadna laga gudbinayo.

Muxuu baaritaankan ka dhigan yahay?

Falanqeynta Jessica Lussenhop, BBC News, New York

Baaritaankan ayaa yimid kaddib markii dhowr qof oo madow ah ay ku dhinteen gacanta booliiska Ferguson, Missouri, iyo sidoo kale Chicago iyo Baltimore.

Dhammaadka baaritaanka, Waaxda Caddaaladda ayaa soo saareysa warbixin ay ku jiraan faahfaahinno aysan ogaan karin bulshada. Waxaa laga yaabaa inay u kuur galaan email-lada ay is dhaafsadeen saraakiisha ee xogta xiritaannada lagu saleeyay isirka, amaba calaamado muujinaya takoor.

Waaxda caddaaladda iyo booliiska ayaa kaddib ku heshiinaya in wax laga qabto dhaqamada dhibaatada leh.

Magaalada Minneapolis ayaa wajihi doonta sharciga haddii aanan la hirgelin waxyaabaha lagu heshiiyay.

Si kastaba, baaritaanka ayaa noqon kara mid gaabis ah, isla markaana aysan dadku la socon karin, mararka qaarna waaxaha ayaa ku hoos shaqeyn kara kor joogteyn uu federaalku ku sameynayo muddo sanado ah.

Maxaa dhacaya kaddib kiiskii Floyd?

Chauvin waxaa u bilaaban doona xabsi siddeed toddobaad kadib xukunkiisa.

Waxaa lagu helay saddex heer oo dil ah taas oo uu ku muteystay xabsi 75 sano ah balse shuruucda Minnesota waxay dhigeysaa in xukunka qofka lagu qaado sida ay heerarka dembiyadu u kala horreeyaan, taas oo ka dhigan in Chauvin uu marka hore xabsiga ku qaadan doono 40 sano, kaddibna sanadaha kale ee u haray uu qaato.

Si kastaba, shuruucda xabsiga waxay dhigayaan in muddada xabsiga laga yareeyo dadka sida Chauvin aan hore u gelin dembiyo kale.

Saddex kale oo ka tirsan booliiska Minneapolis oo ku lug lahaa xiritaankii Floyd – Tou Thao, J Alexander Kueng iyo Thomas Lane – ayaa sidoo kale si wada jir ah dacwad loogu soo oogi doonaa bisha August iyagoo loo heysto inay gacan ka geysteen dilka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post