1803 Views

Guddiyada amniga Golaha Shacabka oo ka shiray Amniga xildhibaanada

Guddiyada amniga Golaha Shacabka oo ka shiray Amniga xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2018 – Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Kulan ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamidka yihiin adkeynta ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ay si wadajir ah u shir guddoominayeen Guddoomiyayaasha labada Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa.

Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajandayaasha laga hadlayay ka dhageystay guddoomiyaasha labadda guddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xoojinta amnigga xarunta uu ku shaqeeyo Golaah Shacabka.

Kulankaan ay yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xog-wareysi ah uu la qaatay Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan

Gudiga-anshaxa-3 Gudiga-anshaxa-2 Gudiga-anshaxa-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment