891 Views

Madaxweyne Kenyatta oo shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas Wycliffe Ogallo.

Madaxweyne  Kenyatta oo shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas Wycliffe Ogallo.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 17, 2021


Madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex maxaabiis ah ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Waxaa sidoo kale kamid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay magaalada Beledxaawo ee ku xadka Soomaaliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post