2058 Views

Shir Muhiim ah Oo ka Furmay Garowe

Shir Muhiim ah Oo  ka Furmay Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay Shirka Wadatashiga Dib eegista Sharciga Socdaalka Dalka.

Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa furitankiisa kasoo qeybgalay Wasiirka Dib udhiska, hormarinta iyo maalgashiga Puntland Cabdi qadar Farax Shaciye oo shirka furay iyo Agaasimaha guud Wasaarada Amniga Puntland Saleebaan Xaaji iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kaga qeybgalay Safia Shire iyo Abdinasir Hashi oo ah la taliyaash sharciga HSJ iyo Agaasimaha Hay’adda u qaabilsan laanta Puntland Maxamed Farax Qanbi.

Masuuliyiintii iyo bulshada ka so qeybgashay shirka  wadatashiga ee dib eegista loogu sameynayo sharciga Socdalka dalk oo LA sameyay 1966’kii ayaa waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in wax lag badalo sharcigan isla markaana lala jaanqaado sharciyada caalamka ee hada jira iyo nidaamka federaalka ee dalku qaatay.

 

 

1 2 3 4 5

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment