2916 Views

Duqa Muqdisho oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Caruurta Agoonta ah

Duqa Muqdisho oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Caruurta Agoonta ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 18, 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo booqday Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago Agoonta.

Eng. Yarisow ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaan caruurta agoonta ah ee ku nool xarunta, waxuna ka waraystay xaalkoodu sida uu yahay iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la qadeeyey caruurta agoonta ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska S/G Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliye ku xigeenka Booliska Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

agoonta-booliska-2 agoonta-booliska-6 agoonta-booliska-1 agoonta-booliska-4 agoonta-booliska-7 agoonta-booliska-3 agoonta-booliska-5 agoonta-booliska-8

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment