336 Views

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Mareykanka?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Mareykanka?
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay la kulmayay Wakiilada Beesha Caalanka ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

labada dhinac ayaa kulankooda waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, sida dhaqaalaha dalka iyo Amniga, waxaana ay tababar siisaa Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, kuwaas oo fuliya howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii la soo dhaafay waday la-tashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabistiisa Golaha Wasiirada, iyada oo magacaabistiisii xilka Ra’iisul Wasaaha laga joogo muddo bil iyo laba Maalmood ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post