792 Views

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta dhaceysa

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo Maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 3, 2020 –Magaalada jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo labadiisa kuxigeen.

Shalay ayaa waxaa khudbadahooda musharaxnimo laga dhageystay ilaa lix musharax oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.

Amniga Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana siweyn looga dareemayaa doorashada oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Gelinka dambe ee Maanta balse Xildhibaannada lagu wargeliyay inay dhaceyso Gelinka hore, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar si uu saameyn ugu yeesho doorashada.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo lix gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa siweyn looga dareemayaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana doorashadaan ay kusoo aadeysaa xilli weli aan heshiis laga gaarin doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post