1254 Views

Wasiirka arrimaha dibadda somaliya oo laga helay Cudurka Covid 19 waxa uuna karantiil ku yahay dalka Burundi..

Wasiirka arrimaha dibadda   somaliya oo laga helay  Cudurka Covid 19 waxa uuna karantiil ku yahay dalka Burundi..
____________________________________________________________________________

February 23, 2021

  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinkii sideedaad uu ku karaantiilan yahay dalka Burundi, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in cudurku uu aad ugu faafay Soomaaliya, isla markaana uu ka soo qaaday Xamar, isla markaana laga helay markii uu tegay dalka Burundi.

“Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku celceliyey in cudurku aad ugu faafay gudaha dalka, isla markaana uu garanayo dad badan oo u dhintay iyo kuwo hadda la il daran.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Isagoo u muuqday inuu ka faa’iideysanayo fursadan ayuu sheegay inaysan macquul aheyn in hadda Muqdisho lagu dhigo banaanbax iyo isku imaatinno kale toona.

“Caqli ma keeneynin in la yiraahdo dibadbax hala isugu soo baxo, shirarkii golaha wasiirrada iyo isku imaatinadii oo dhan ayaa hadda la joojiyey, shirka ugu muhiimsan oo dad saas u badan aysan joogeyn waa kan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaas darteed si loo dhowro nabad geliyada dadweynaha dowladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in laga digtoonaado isku soo baxyada,” ayuu yiri wasiir  Maxamed Cabdirisaaq.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post