444 Views

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo sheegay in awaamiirta cusub ee dowladda ay naftooda halis weyn gelin karto Erayga Khawaarijta

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo sheegay in awaamiirta cusub ee dowladda ay naftooda halis weyn gelin karto Erayga Khawaarijta
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Sidee ayaad ku sifeyn lahayd kooxdan hubaysan? Waa su’aal ka taagan Soomaaliya oo dowladda iyo warbaahintu ay sanado badan ka doodayeen sidii Al-shabaab loogu yeeri lahaa.

Amarkii ugu dambeeyay ee ay soo saartay maalintii Axadda ayay dowladdu ku amartay suxufiyiinta inay ku beddelaan ereyga Al-Shabaab “Khawaarij” oo macneheedu yahay ka leexashada diinta Islaamka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Cadaala ayaa sheegay in awaamiirtan ay tahay siyaasad dowladeed oo ku dhisan talada culimada.

“Waxaan nahay Muslimiin,” ayuu yiri Al-cadaala. “Markii ay nimankaas (dhalinyaro) sheegteen inay Muslimiin yihiin oo ay damceen inay si khaldan u adeegsadaan Diinta Islaamka, ayay culimadii Soomaaliyeed go’aan ka gaareen, waxayna go’aan ku gaareen in dhaqanka nimankaas uu yahay kii Khawaarijta, sidaas darteedna waxaa lagu qeexaa inay yihiin Khawaarij” ayuu raaciyay Al-caddaala.

Amarkan ayaa suxufiyiinta gelinaya khatar weyn

Saamiya Cali, oo ah wariye madax-bannaan oo ku sugan Muqdisho, ayaa sheegtay in amarkan uu halis weyn gelin karo weriyeyaasha markii horeba ka shaqaynayay deegaan khatar ah.

Saamiya waxa uu sheegtay in Erayga Khawaarijta uu halis gelin karo nolosha wariyaasha oo aan heysan ilaalo iyo gaadiid aan xabbadu karin.

“Maadaama ay saxaafaddu dhex-dhexaad tahay, waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliya in aysan ku qasbin warbaahinta inay ereygaas isticmaasho oo ay ka noqoto awaamiirteeda,” ayay tiri Saamiya.

Wasiirku waxa uu sheegay in amarkaasi aanu ahayn mid lagu cabburinaayo xorriyada hadalka.

“Waxay halis weyn gelin doontaa suxufiyiinta Soomaaliyeed”

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu khatarta badan dhanka warbaahinta, iyadoo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay sheegeen in maleeshiyadan ay mas’uul ka yihiin dilal badan oo loo geystay warbaahinta.

Qaraxyadii Zoobe ee dhacay dabayaaqadii bishii Oktoobar ayaa waxaa ku dhintay laba wariye, waxaana ku dhaawacmay labo kale, oo uu ku jiro wariye ka tirsan laanta af-Soomaaliga ee VOA.

Maryan Seylac, oo ah agaasimaha fulinta iyo aasaasaha ururka haweenka warbaahinta Soomaaliyeed, ayaa sheegtay in isku dayga noocaan oo kale ah ee lagu doonayo in lagu beddelo sida warbaahintu ugu yeerto Al-Shabaab aysan ahayn mid miro dhal ah.

“Arrintan oo jirta, haddii dowladdu ay amar ku bixiso adeegsiga ereyga ‘khawaarij’ oo ay ku amarto warbaahinta inay adeegsadaan, waxay halis weyn geli doontaa suxufiyiinta Soomaaliyeed,” ayay tiri SMaryan Seylac. “Waxay keeni doontaa cabsi iyo qalalaase, waxayna kordhin doontaa dilalka suxufiyiinta, sababtoo ah Al-Shabaab waxay si toos ah u beegsanayaan warbaahinta madaxa-banaan, oo ay u arkayaan inay la safteen dowladda”.

Seylac ayaa VOA u sheegay in suxufiyiintu aysan qeyb ka aheyn dagaalka, loona baahan yahay in loo oggolaado inay si madax-bannaan u shaqeeyaan.

Awaamiirtan ayaa kusoo beegmaysa toddobaadyo kadib markii warbaahinta Soomaalida ay ka dhiidhiyeen amar ka duwan kan Al-Shabaab, iyada oo dowladdu markii dambe xirtay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Muumin, iyadoo loo cuskaday wax ay ku sheegeen arrimo amni.

Saxafiyiinta ayaa diiday amarkan oo ahaa inaan la sheegi karin wararka Al-shabaab, iyagoo sheegay in tillaabooyinka ay halis gelinayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post